Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay soo afjareen weerarkii ay maanta Al-shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidanka Danab iyo kuwo Maraykan ah ku leeyihiin deegaanka Ball-doogle ee gobolka Shabellaha Hoose.
Sida lagu baahiyey warbaahinta dowladda, taliska ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in wax ka yar 10 daqiiqo lagu soo afjaray weerarkaasi oo ku bilowday qaraxyo.
Waxa uu tilmaamay taliska, in Al-shabaab ay xoog badan soo geliyeen weerarkaasi, balse ciidanka oo diyaarsan awgeed aanay ugu suurtagelin sidii ay wax u damacsanaayeen.




From the comments