Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxa ay xireen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana la ogoleyn isku socodka gaadiidka dadweynaha.
Waxaa xiran dhammaan waddooyinka soo gala wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho iyo jidad kale oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha.
Waxaa la arkayaa dadweyne u badan arday iyo shaqaale oo cagta maalaya, kuwaasi oo kuu sheegaya inaanay kusoo talogelin xirnaanshiyaha waddooyinka, maadaama aanay jirin digniino hore.




From the comments