Guddiga Doorashada Qaranka oo Ka Sheegtay Dhex Degenaashiyaha Villa Somalia
Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta sheegay in guddiga ay la soo gudboonaatay caqabad dhanka shaqada ah oo la xiriirta dhex daganaanta guddiga ee Villa Soomaaliya.
Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan doorashooyionka Qaranka Xaliima Ismaaciil Yarey ayaa sheegatay in guddiga ay dhibaato ka heysato dhanka shaqada, madaama guddiga xafiiskiisa uu dhex degan yahay Villa Soomaaliya.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegtay in guddiga horay loo siiyay dhul weyn walina aan loo dhisin, guddoomiye Xaliimo ayaana carabka ku dhufatay in guddiga uu baahan yahay inuu ka dhex baxo Villa Soomaaliya si dhammaan uu ugu sinaado xisbiyada siyaasadda ee dalka ku loo lamaya.
Dhanka kale guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa ugu baaqday dowladda federaalka ee Soomaaliya Beesha caalamka iyo cid waliba oo daneynaysa in dalka doorasho xor iyo xalaal ah ay ka dhacdo ay ku taageeraan sidii guddiga uu dagi lahaa booskii horay loogu qorsheeyay, waxaana hadalkeedii ka mid ahaa” Waxaan marka kale ku celinaynaa guddiga dhul weyn ayuu leeyahay, cid kasta oo Soomaaliya oo doorasho dan ka leh iney nagu taageerto sidii aan meeshaas ku dagi laheyn oo xafiisyo aan uga heli laheen, waxaa kale oo aan aad u weydiisaneynaa dowladda Soomaaliyeed in ayaduna nagu taageerto, sidoo kale beesha caalamka arrimaha dhaqaalaha iyo farsamada Soomaaliya ayaguna indhaha aysan iska tirin ee ay nagu caawiyaan”
Hadalka maanta ka soo baxay guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee dorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil ayaa imaanaya ayadoo guddiga uu dhex dagan yahay gudaha Villa Soomaaliya, taas Xisbiyada qaar ay ku dhaliileen in guddiga uusan aheyn guddi madax banaan walaacna ka muujin shaqadiisa gudaha Villa Soomaaliya uu ku shaqeeyo.
Goobjoog News