Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Labada Gole ayaa Madaxweyne Farmaajo uu si wadajir ah maanta u furay, iyadoo ay ka qeyb galeen ra’isul wasaarihiisa Kheye, Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti.
Madaxweyne Farmaajo oo goobta ka hadlay ayaa difaacay aragtidiisa nidaamka federaalka ah isaga oo eedeeyey dad qalad ka fahmay arrinka, waxaa uu yiri “ dowlad goboleedyada ma siineyso madax banaani gaar ah, waxaa idin xusuusinayaa in ilaalinta Qaranimada Madaxbannaanidiisa ay saaran tahay dowladda Federaalka”.
Kalfadhiha maanta waxaa joogay labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah waxaa goobta laga sheegay inuu dhammaaday khilaafkii u dhaxeeyey.




From the comments