Aden Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda xisbiga talada haya ee Jubilee iyo xildhibaanno kale oo dalka Kenaya ah ayaa goordhow soo saaray magaalada Kismaayo, xarunta KMG ah ee Jubbaland.
Wafdigan waxaa garoon Sayidka ku soo dhoweeyey madaxweynaha la doortay ee Jubbaland mudane Axmed Madoobe.
Galabta ayaa lagu wadaa in magaladaasi lagu qabto xafladda caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Jubbaland, waxaana jooga madax ka socota dowladda federaalka ah, maamul goboleedyada iyo xisbiyada.





From the comments