Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabti ah waxa ay kulankoodii caadiga ah ku yeelanayaan xaruntooda cusub ee Villa Hargeysa.
Ajendaha kulanka maanta ay xildhibaannada yeelanayaan ayaa ah, hadaljeedinta guddoomiyaha golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Akhrinta Koowaad ee heshiiska ilaalinta hiddo dhaqameedka aan muuqan iyo heshiis ku aaddan ilaalinta Hidda dhaqameedka iyo midka dabiiciga ah.
Waa Kulankii Koowaad ee Kalfadhiga Lixaad ee golaha shacabka oo fasax ku jiray bilihii lasoo dhaafay.




From the comments