Tiro badan oo ciyaartooy ah kana soo jeeda wadamada qaarada Afrika ayaa sanadihii laga soo gudbay si weyn ugu soo muuqanayay safafka kooxaha kubbadda cagta,iyagoo kuwa qaar horomar kala gedisan la sameeyayo naadiyadooda intii ay joogeen,balse hadafka arintan waxaa bilaagedda lahaa guddoomiyaha naadiga dowladda hoose Abuukar Maxamed Sheekh,isagoo noqday shaqsigii dalka keenay laacibiin kasoo jeeda isla qaarada.

Ciyaartooyda kala duwan ayaa sanadihii lasoo dhaafay u dheelay naadiga Muqdisho City Club,inkastoo badankooda ay ugu soo ciyaareen magacii hore ee kooxda ee ahaa Banaadir Sports Club waxayna badankooda doorka wanaagsan kasoo qaateen tartamadii gudaha iyo dibadda oo ay kooxdooda kala qeyb galeen,iyagoo noqday kuwa ka tilmaaman ajaanibta kale ee lagu arkay kubbadda cagta Soomaaliya sida sheegayo guddoomiye Abuukar marka loo eego hanashada tartamada kubbadda cagta Soomaaliya.







From the comments