U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo Maanta Labo Sharci Ansixiyey

Oktoobar 30, 2019

Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulankooda waxaa ay ku ansixiyeen labo sharci oo aad muhiim u ah.

Sharciga 1-aad waa Sharciga iibka Qaranka, codeyntii dhacday  waxaa ogolaatay ilaa  133 xildhibaan  halka 2-xildhibaan ay diideen, waxaana ka aamusay 4 kale.

Dhanka kale, waxaa isla maanta la ansixiyey Sharciga Furdooyinka , codeynta golaha waxaa ogolaatay 134 waxaa diiday 5 sidoo kale sedax Xildhibaan ayaa ka aamustay.

Goobjoog News