Askari la sheegay in uu ka tirsanaa ciidamada ammaanka degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho ayaa dilay wiil dhallinyaro ah oo ku shaqeynayey Mootada Saddexda lug leh ee loo yaqaan Bajaaj.
Marxuumka ayaa magaciisa naloogi sheegay Ismaaciil Maxamed Saciid, iyadoo rasaasta ay kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa, sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah.
Askariga iyo Ismaaciil ayaa la sheegay in uu dhexmaray muran, taasi oo keentay in darawalkan rasaas lagu furo.




From the comments