Warbixin cusub oo ay soo-saareen baareyaasha gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in militeriga Kenya ay mas’uul ka yihiin 5 weerar oo loo geystay shirkad isgaarsiin oo ku taalla waddanka Kenya deriska la ah ee Soomaaliya iyo waliba duqeymo lala eegtay goobo ay deggan yihiin dad rayid ah iyadoo halkaas lagu dilay laba qof.
Ciidanka Kenya ayaa weeraray qalab shirkad isgaarsiin oo Soomaaliyeed intii u dhaxeysay 2017 illaa 2019 iyadoo ujeedku ahaa in isgaarsiinta laga jaro xarrakada Alshabaab kuwaas oo damacsanaa inay qaraxyo fuliyaan, waa sida quburo amni ay ku sheegeen warkii ugu dambeeyey ee kasoo baxa kuwaas oo u gudbiyey golaha ammaanka isniintii.
Kooxdan quburada ah kuwaas oo dabagal ku sameeya cunna-qabateynta saaran Soomaaliya ayaa sheegay inay heleen warar sheegaya in ciidanka Kenya ay weerareen 12 taawar oo ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud ee saldhiggeedu yahay magaalada Muqdisho.




From the comments