U bood dhigaalka

Yaa Ku Tartamaya Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland?

Nofeembar 14, 2019

Waxaa hadda magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland  ka socota doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada ee maamulkaasi.

Arrintan ayaa imaaneya kadib markii guddoomiyihii hore Dhoobo Direed shaqada laga diray 7-badii bishan, waxaa mooshin ka keenay ilaa 45 mudane.

Doorashada maanta ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland waxaa ku tartamaya 3 Musharax oo kala ah Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Cabdijamaal Maxamed Cusmaan iyo Cali Axmed Saalax.

Goobjoog News