Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa jimcihii waxaa uu sanad horleh ku daray qaadista qeyb ka mid ah cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyada oo sanadkan lagu kordhiyey xayiraad la saaray waxyaabaha kiimikooyinka ee loo adeegsaday sameynta waxyaabaha qarxa.
15-ka xubnood ee golaha ee codeeyey 12 waxaa ay ogolaadeen in cunaqabateynta la kordhiyo halka Shiinaha, Russia iyo Equatorial Guinea ay ka aamuseen, waxaa ay socon doontaa ilaa Nofembar 15, 2020
“Waxaa laga reebay arrimaha loogu talagay kaliya horumarinta Ciidamada Qaranka Soomaaliya ama hay’adaha waaxda amniga ee Soomaaliya,” qaraarka ayaa lagu yiri.




From the comments