Ku dhowaad hal saac waxaa Ex-control ka socday dagaal u dhexeeya ciidanka asluubta iyo kuwa ilaalo u ah shirkadda dhiseysa laamiga xiriiriya Muqdisho iyo Afgooye.
Dadka deegaanka ayaa Goobjoog News u sheegay in xabado maqlayaan isla markaana ay cabsi dareemayaan iyaga oo qaarkood qarka u saaran iney naftooda la baxsadaan.
Dagaalkaas dhacay ayaa sababay in ganacsiyadii oo furan laga kala cararo, waxaana sidoo kale laga cabsi qabaa inuu sii fido.




From the comments