Gudoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya ahna xubin ka mida guddiga fulinta CAF, Cabdiqani Saciid Carab, ayaa ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo uu uga qeyb galayo shirka guddiga fulinta Caf oo looga hadli doono arrimo dhowr ah oo quseeya horumarinta kubbadda cagta qaaradda.
Shirka guddiga fulinta CAF ayaa sida qorsheysan ka dhacaya magaalada Qaahira maanta oo Khamiis oo ay taariikhda tahay 21 Novemrber 2019 waxaana looga doodi doonaa qodobbo aad u muhiim ah oo la xiriirka horumarinta kubbadda cagta qaaradda Africa,Soomaaliya ayaa xubin firfircoon ka ah guddiga fulinta CAF.
.




From the comments