Guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim(Yarey) oo ka hadashay golaha ammaanka ayaa dowladda federaalka ah ugu baaqday iney u aragto doorasho qof iyo cod ah iney tahay waajib dastuuri ah, ajende qaran isla markaana ay guddiga siiso taageero dhan walbo ah sidii uu u fulin lahaa sida in ansixinta xeerka doorashada December 2019 iyo in doorashada qoondadeeda la fududeeyo.
Guddiga doorashada waxaa uu beesha caalamka ka dalbaday in la fududeeyo maalgelinta howlaha doorashada oo lagu qiyaasay 53 Million (oo la saaray qiimaha ku baxaya amniga iyo qoondada sanadlaha ah ee guddiga) .
Guddoomiye Xaliimo Yarey waxaa ay sheegtay in ay jireen kulamo ay ka mid ahaayeen kuwii Garowe ee 2011 iyo Baidoa 2016, oo lagu heshiiyey qof iyo cod iyo in laga guuro nidaamka qabaliga ah, taasina ay sidoo kale qeyb ka tahay soo-celinta xaqa muwaadinka ee doorashada sida uu qabo dastuurka Soomaaliya iyo heshiisyada xuquuqul aadanaha ee dalku saxiixay.




From the comments