Kenya: Waan Fulinnay Heshiiskii 14-kii November
Sheeko:Arrimaha Amniga
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in dhankooda ay dhaqan geliyeen dhammaan qodobadii lagu heshiiyey 14-kii November ee sanadkan.
Qoraalka waxaa lagu xusay in duulimaadyada ka taga Muqdisho ay toos u tagi-doonaan Nairobi halka kuwa meelaha kale ka yimid mari doonaan Wajeer.
Dhanka kale, dal ku galka diblomaasiyiinta, shaqaalaha dowladda iyo xildhibaannada ayaa lagu bixi doonaa Airportiga Nairobi.