Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa si adag uga hadlay faragelinta xabashida ee arrimaha Galmudug iyada oo Villa Somalia ku eedeeyey adeegsiga awood shisheeye.
Murashax Cabdiraxmaan Odowaa oo ka tirsan xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ah ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay inuu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu caado ka dhigtay isticmaalka xoogga isaga oo soo qaatay tusaalooyin hore:
- Waxa uu 2017, asaga oon xilka sanad hayn, dalka Ethopia u gacan galiyay Mujaahid Qalbi-dhagax, isla markaana ONLF ku tilmaamay ururu argagixiso. Soomali badan oo aan ka mid ahaa iyo barlamaanka Soomaaliya haddi aysan ka dhiidhi lahayn, waxay maanta nagu wada ahaan lahayd ceeb qaran, balse waxay hadda ku kooban tahay asaga iyo kooxdii la ogeyd.
- Waxa uu 2018 ku afduubay doorashadii Koonfur Galbeed, laguna xasuuqay dad badan oo reer Baydhaba ah oo dalbanaayay xuquuqdooda dastuuriga ah. Sidaa si la mid ah ayaa ciidamada Ethopian ka ahi ugu soo afduubeen Mukhtaar Roobow oo illaa hadda aan sharciga la hor keenin.
- Waxa uu isku dayay in uu ku weeraro Kismaayo ciidan Ethiopian ah si ay ugu soo afdubaan Madaxweyne Axmed Madoobe, laakin Madoobe oo ka khibrad badan kooxda Farmaajo ayaa xiray airport ka Kismaayo, kuna jaray baabur jidka ay diyaaraddu ku dagato, sidaas ayayna ciidamadii uu madaxweynuhu soo kireystay ku fashilmeen.
- Waxaa hadda ka socda deegaannada Gedo afduub iyo caga jugleyn ay u gaysnayaan ciidamada Ethiopia cid kasta oo Madaxweynaha ka ra’ayi duwan oo joogta deegaannadaas ama tageersan Madaxweyne Madoobe.
- Waxaa ugu danbeeya kuwa uu hadda ku sii daabulayo Dhuusamarreeb si uu ugu boobaan doorashooyinka Galmudug una soo afduubaan musharraxiinta kasoo horjeeda aragtidooda, illeen ma aaminsana in si xor iyo xalaal ah nooga adkaan karo.
Ugu dambeyntii waxaa uu ku soo gabagabeeyey “ Haddaba waxaan xasuusinayaa Madaxweynaha filimkaas hore ayaan usoo galnay waxa uuna ku dhamaaday ciidamadii Ethopia oo dhammaa 50 kun oo dhaawac iyo dhimasho sita oo ka qulqulay dalkeenna. Mudane Madaxweyne waxaa Youtube-yada ka buuuxa warkaagii shalay, dhaqankaaga maantana cid walba waa arkayasaa, waxaan kuugula talin lahaa inaad is daba qabato, nama cabsi galinayaan ciidamada aad Dhuusamreeb ku sii daabulayso, dadka reer Galmudug na ma aha kuwa baqdin galinta wax looga helo.




From the comments