Guddiga farsamada maamul u sameynta dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta ka bilaabay magaalada Dhuusamreeb xareynta odeyaal dhaqameedka loogu tala galay soo xulista xildhibaanada cusub ee ka kala imaanaya deegaannada kala duwan ee dowlad gobaleedka.
Odayaasha lagu xareeyey Dhuusamareeb ayaa noqonaya sixiixayaasha xildhibaannada cusub, waxaan guddiga uu sheegay in ay yihiin odayaal dhaqameedkii rasmiga ahaa ee loo qorsheeyey xulista xildhibaannada.
Sidoo kala waxaa jira Odayaal dhaqameed ku sugan magaalada kuwaas oo sheegay in laga saaray dhaqanka soo xulaya xildhibaanada, waxaana ay dowladda federaalka ah ku eedeeyeen in Odayaasha la xareeyey yihiin kuwii ay xulatay waxaana intaas ku ay dareen in ay ka soo horjeedo hanaankii lagu doonaayey in lagu dhiso Galmudug loo dhan yahay.




From the comments