Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 21 aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed .Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.
Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa:
1.Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka.
Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Deeqa Xassan Xuseen ayaa Golaha Ka-hor akhrisay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka oo sheegtay soo jeddinada sentarada.




From the comments