Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey weerarkii xalay Al-shabaab ku qaadeen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in weerarkaasi soo qaadeen Shan nin oo Al-shabaab ka tirsan, Labo ka mid ah lagu toogtay banaanka hore ee Hotelka, Halka Saddex kalena gudaha u galeen SYL kadibna halkaasi lagu dilay.
Waxyeellada kale ayuu Booliiska sheegay iney tahay dhimashada Shan qof oo isugu jira Booliis iyo sidoo kale dad shacab ah.






From the comments