Xildhibaannada golaha shacabka oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho, ayaa kulankoodan waxa ay su’aallo ku weydiin doonaan wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Wasiirada maanta hortagaya golaha shacabka ayaa kala ah, Xamza Saciid oo ah wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka iyo sidoo kale wasiirka wasaaradda caafimaadka Fowsiyo Abiikar.
Xildhibaannada ayaa u yeeray wasiiradan, waxaana ay su’aallo ka weydiin doonaan arrimo ku aaddan caafimaadka dalka iyo gurmadkii loo sameeyey gobollada uu Wabiga Shabelle ku fatahay.




From the comments