Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta ansixiyey sharciyo muhiim sida Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda iyo Hindise Sharciyeedka Shirkadaha.
Codeyn ka dhacday gudaha golaha waxaa ay noqotay sidan: Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda waxaa ogolaaday 148 mudane, waa diiday 6 halka ay 2 ka aamuseen.
Dhanka kale, Hindise Sharciyeedka Shirkadaha waxaa loo ansixiyey si guud oo waxaa ogolaaday dhammaan xildhibaannada.




From the comments