U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Maanta Ee Golaha Shacabka?

Diseembar 25, 2019

Maanta oo ah Arbaca ah, 25 December 2019, waxaa jira kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ajendaha Kulanka ayaa ah u codeynta Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda iyo sidoo kale u codeynta Hindise Sharciyeedka Shirkadaha.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sharciyadan horay uga soo dooday wuxuuna maanta qorshuhu yahay inay meel mariyaaan.