Guutada 16aad ee kumaandoosta Danab oo ka tirsan ciidanka xoogga Dalka ayaa la wareegay deegaanno ay Al-shabaab kaga sugnaayeen gobolka Shabellaha Hoose.
Meelaha ciidanka ay la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Moradiinle, Buula Miskiin, Macallinka, Baladul Amiin, Raqayle, Sabriye iyo Buula Bashiir.
Taliyaha Guutada 16aad ee Danab Cismaan Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in 20 kamid ah Al-shabaab lagu dilay intii uu socday howlgalka shacabka looga dul qaadayo nabad diidka.




From the comments