Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo maanta ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.
Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa la sheegay in uu ku qarxay bar koontarool oo ciidamada ammaanka ku baaraan gaadiidka.
Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintey Shan qof, iyadoo tiro intaa ka badanna uu dhaawac soo gaaray, waxaana sidoo kale burburay gaadiid halkaasi yaallaym gaar ahaan kuwo ku jiray saf si baaritaan loo marsiiyo.




From the comments