Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka ay kala dhexgaleen maleeshiyaad dhowaan ku dagaallamay gobolkaasi.
Ciidankan oo uu hoggaaminayo Taliyaha Guutada 13-Aad Ee Ciidanka Dawladda Qaybta 21-Aad Korneyl Cabdiraxman Macalin Maxamuud (Timadheere), ayaa kala dhexgalay maleeshiyaadkan oo ku dagaallamay deegaannada Mirxeyley & Bangeelle oo Galgaduud ka tirsan.
Sidoo kale, wararka ayaa intaa ku daraya in haatan ay socoto waan waan lagu qaboojinayo xiisado halkaasi ka taagnaa maalmihii lasoo dhaafay.




From the comments