Akhriso: Taariikh Nololeedka Murashax Maxamed Nuur Gacal
Sheeko:Baarlamaanka
Waxaa hadda xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb ka socda tartanka doorashada guddoonka, dadka u tartamaya jagada guddoomiyaha waxaa ka mid ah Maxamed Nuur Gacal
Dhalashada:
- 1966, ayuu ku dhashay Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud
Waxbarashada:
- 1987, ayuu ka baxay Dugsiga Sare, Muqdisho
- 1988, ayaa qaatay Diblooma heer dhexe_ Machadka maamulka & maareynta Jaamacadda Carabta Ee Muqdisho
- 1995, ayuu shahaadada 1-aad ee Sharciga ka qaatay Jaamacadda Umudurmaan ee Sudaan
- 1999, ayuu ka qaatay Diblooma sare, Machadka maareynta masiobooyinka ee Jaamacadda Caalamigaa ee Afrika
- 2000, Ayuu Diblooma Sare ee Qaanuunka Guud ah ka qaatay Jaamacdda Al-neeleyn/Sudaan
- 2001, Ayuu Shahaadada 2-Aad oo maareynta Masiibooyinka ah ka qaatay Jaamacadda Caalimga ah ee afrika
- 2008, ayuu shahaadada 3-aad ee Sharciga ka qaatay Jaamacadda Umul darmaan ee Dalka Sudan.
DHANKA SHAQADA:
Wuxu kasoo shaqeeyay Jaamacadda Muqdisho, soo noqday hormuudka kuliyada sharciga
2013-2014 wuxu ahaa wasiru dowlaha arrimaha dibadda
2014-2016: wuxu soo noqday la taliye arrimaha dib u heshiisiinta Xafiiska PM
Ugu danbeyn, 2019 kii xubin guddiga dib u heshiisiinta DGGM.