Waxaa goordhow xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb ka bilaaban-doona doorashada guddoonka baarlamaanka 2-aad ee maamulka.
Guddoonka waxaa u taagan musharaxiinta kala ah Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Cabdinaasir Aadan Cusmaan oo labaduba doonaya jagada guddoomiyaha, waxaa la sheegayaa inuu tanaasulay Cabdullaahi Axmed Calasow Shiine.
Guddoomiyaha Gudiga Doorashada Maxamed Tahliil ayaa hadda sharaxaya habraaca cod bixinta iyadoo dhamaan 89 xildhibaan ee Golaha wakiilada Galmudugna ay diyaar u yihiin doorashada manta.




From the comments