Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax ka dhacay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Xoosh iyo Ex-control, waxaana la sheegay inuu ahaa mid ku xirnaa gaari halkaasi marayey.
Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintey Labo qof oo la sheegay in gaariga ay saarneyd, waxaana ku dhaawacmay qof kale.




From the comments