Taliyaha guud ee ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom Gen. Tigabu Yilma iyo wafdi saraakiil ah uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Afmadow ee gobalka Jubada hoose ee Jubbaland.
Taliyaha iyo wafdigii uu hogaaminaayey ayaa waxaa magaalada ku soo dhaweeyey saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Kenya oo qeybta ah ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom ee ku sugan gudaha Soomaaliya .
Sidoo kale Taliye Tigabu Yilma ayaa booqday saldhigyada ciidama nabad ilaalinta Amisom ay ku leeyihiin degmada Afmadow, waxaana uu la kulmay saraakiisha ciidamada ee dalka Kenya isaga oo kala hadlay arrima badan oo dhanka amniga ee degmada iyo guud ahaan gobalka.




From the comments