Sida ay qortay “The Daily Monitor” ee dalka Uganda, Cabdi Qaadir Maxamed Maxamuud Sandir oo horay loogu tuhunsanaa ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab ayaa la sheegayaa inuu ka baxsaday xabsi ku yaalla magaalada.
Ninkan oo ka tirsan hoggaamiyeyaasha kooxda ku sugan koonfurta Soomaaliya ayaa isaga iyo shan kale oo Soomaali ahaa waxaa lagu eedeeyey 2014-kii, in ay ku lug lahaayeen weeraro lala damacsanaa in lagu qaado xarunta baarlamaanka dalkaasi, Oasis Mall, Makerere University iyo meelo kale oo muhiim ah oo ku yaalo bartamaha Kampala.
Sida ay sheegeen booliiska, Cabdi Qaadir Maxamed Maxamuud waxaa uu ka baxsaday goobtii uu ku xirnaa 10 maalmood ka hor.




From the comments