Wararka naga soo gaaraya magaalada Beladxaawo ee gobalka Gedo ayaa ku waramaya in maanta magaaldaaasi uu ka bilawday barakac ay sameynayaan dadka deegaanka.
Wariyaha Goobjoog News ee gobalka ayaa soo sheegaya in dadka qaar ee ku sugnaa xaafadaha degmada Beladxaawo ay isaga barakaceen guryahooda xilli ay ka cabsi qabaan dagaal mar kale dhexmara ciidanka dowaldda ay halkaasi geysay in kuwa dowlad goboleedka Jubbaland.
Ganacsiga qaar ee magaalada ayaa xiran waxaana la soo warinayaa in ardayda wax ka barata Beladxaawo aysan saakay u dareerin goobaha waxbarashada maadaama cabsi ay halkaasi ka taagan tahay.




From the comments