Guddoomiyaha Guddiga farsamada soo xulista Xubnaha Barlaamanka Labaad ee Koofur Galbeed Soomaiya ayaa faah-faahin ka bixiyay waxyaabaha horyaalla iyo qaabka ay u wajahayaan shaqada loo igmaday.
Maxamed Keeroow Maxamed, Guddoomiyaha Guddiga ayaa warbaahinta Qaranka Wareysi siiyey ayaa sheegay in 95 Xildhibaan laga dhigayo mudanayaasha Baarlamanka Koofur Galbeed halka ay markii hore ka ahaayeen 149 iyaga oo raacaya Dastuurka u yaalla.
Wuxuuna intaa ku daray in howsha inteeda badan ay saaran tahay Odayaasha Dhaqanka oo soo xulaya Xildhibaannada iyaguna ay yihiin fududeeyayaal.




From the comments