Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa waxa ay sheegtay in ay dhankooda u soo goosteen ciidan ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo dhawaan la geeyay qeybo ka mid ah gobalka Gedo.
Afhayeenka wasaaradda amniga maamulka Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo la hadlay Goobjoog News ayaa tilmaamay in ciidan isugu jira Mileteri iyo booliska Haramcad loo yaqaan ay u soo goosteen dhankooda, waxa uuna ka dhawaajiyay in ciidankaasi ay iska diideen in colaad ay ka huriyaan gobalkaasi.
Dhinaca kale afhayeenka oo aan weydiinay tirade askarta isi soo dhiibtay ayaa ka gaabsaday in uu sheego balse waxa uu tilmaamay in ay gadaal ka sheegi doonaan, isagoona geesta kale baaq u jeediyay ciidanka kale ee la midka ah kuwa haatan isi soo dhiibay.




From the comments