Cabdullahi Sheikh Cilmi oo ka tirsan naadiga Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden ayaa maalmihii lasoo dhaafay booqasho iyo aqoon korarsi ku qaatay wadanka Spain,isagoo booqday garoomada kooxaha kubbbadda cagta ee kala ah Esponyal iyo Barcelona waxaana socdaalkiisa ku wehliyay macallinkiisa Maxamed Cabdiqaadir Sheikhdoon waxaana talabaadan soo dhaweeyay gorfeeyaaasha ciyaaraha gudaha,iyagoo u rajeeyay in noqdo laacibkii ugu horeeyay oo Soomaali ah kana ciyaara horyaalka Laliga.

Ciyaaaryahan Cabdullahi Sheikh Cilmi oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in uu haminayo in meel wanaagsan Ka gaaro xirfada kubbadda cagta safarkii uu ku tagay dalka Spain uu ahaa mid taariikh ah uu wax badan kaga faa’iday,uuna rajaynayo in aan ka dheelo horyaalka Laligaha ee Spian.






From the comments