Wararka aan ka helayno degmada howlwadaag ayaa sheegaya in goordhaw degmadaasi lagu dilay askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska.
Dilka aya waxa uu si gaara uga dhacay xaafadda Baar ubax ee magaalada Muqdisho waxaana dilka fuliyay kooxo bistoolado ku hubeysnaa sida Goobjoog News ay u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Kooxihii dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta, waxaana durbadii goobta soo gaaray ciidamada amaanka dowladda oo halkaasi baaritaano kala duwan ka sameeyay.




From the comments