Wararka aan maanta ka helayno gobolka Shabeelaha dhexe ayaa soo sheegaya in tuulo lagu magacaabo Gumarow oo hoostagta degmada Warsheekh ay kooxo hubeysani dil iyo dhac ugu geysteen dad safar ahaa.
Dhacdadan oo dhacday xalay ayaa waxa ay qabsatay dad ka baxay magaalada Muqdisho kuwaas oo ku sii jeeday qeybo ka mid ah gobalka Shabeelaha Dhexe, balse kooxo hubeysan ayaa waxa ay jidgooyo ugu dhigteen Tuulada Gumaro, waxa ayna dadkii kula dhaqaaqeen dil, dhac iyo kufsi.
Ilyaas Coloow Muuse oo ka mid ah dadka deegaanka islamarkaana u waramay Goobjoog News ayaa waxa uu inoo sheegay in dadka dhibaatadu ay gaartay ay tira ahaan gaarayeen ilaa 18 qof waxa uuna inoo xaqiijiyay in la dilay darawalkii gaariga kaxeynayay waxa uuna sidoo kale tilmaamay in halkaasi kufsi loogu geystay gabadh ka mid ahayd dadkii gaariga saarnaa.




From the comments