Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug garabka Ahlu sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxa uu kaga dhawaajiyay in xaaladda Galmudug ay haatan u muuqato mid deegaanada maamulkaasi lagu beerayo Al shabaab, isaga oo arrinkaasi si aad ah uga digay.
Sidoo kale warka ka soo baxay Ahlu sunna ayaa lagu caddeeyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku guul dareysatay in deegaanadaasi ay ka dhisto maamul loo dhanyahay, taas badalkeedana waxa ay dowladda ku eedeeyeen in ay dhistay maamul ay iyadu wadato islamarkaana ay ku doonayso in ay ku hesho xildhibaanada cusub ee 2021.
Dhanka kale Sheekh Shaakir ayaa dowladda, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamla ugu baaqay in Galmudug laga dhiso gole loo dhanyahay, kaas oo uu tilmaamay in lagu ilaalinayo nidaamka federaaleynta.





From the comments