Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobalka Bokool ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay sarggaal ka tirsanaa Al-shabab kaas oo muddo la shaqeynayey.
Sargaalka la sheegay in uu isi soo dhiibay ayaa lagu soo bandhigay magaalada Xudur, waxaana magaciisa lagu sheegay Colaad Cabdiraxmaan Maxamed oo Al-shabaab ka mid noqday sanadkii 2009-kii.
Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in sargaal Colaad uu Al-shabaab u qaabilsanaa wadista gawaarida, waxaana uu ka howl galayey deegaannada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, sida lagu daabacay Sonna.




From the comments