Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay guddiga diyaarinta shirweynaha wadatashiga dowlad gobaleedka Puntland iyo xubnaha ku matala labada gole ee dowladda federaalka siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeedada deegaannada Punland oo dhowaan uu ku baaqay madaxweynaha in uu dhacayo 15-ka bisha soo aadan.
War qaraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay madxweynaha isagoo ka duulaya warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkii golaha xukuumadda dowlad gobaleedka Puntland ee ku qabsoomay magaalada Boosaaso, Bishii February 07, 2020, Shirkaas oo nuxurkiisa ay ka mid ahayd in la qabto shir weyne wadatashi ah 15-ka Bisha March 2020.
Shirkaas oo ay isugu imaanayaan Goleyaasha Dowladda gobaleedka Puntland iyo wakiillada ku matala dowladda federaalka, dhaqanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka si looga tashado mustaqbalka Dowladda Puntland iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hirgelinta hanaanka Federaaleynta Dalka.




From the comments