Cabbduqaadir Suufi Muunye & Saciid Cumar Cabbdullaahi ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay ahaayeen u qaabilsanayaaal xagga maamulka iyo maaliyadda uga wakiil ah Alshabaab Tuulada Mareerey oo hoos tagta degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose, sida lagu daabacay warbaahinta dowladda.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Shantii November codsaday in labada eedeysane loo dhaa dhiciyo xabsiga dhexe gar-suge ahaann, waxa ayna markale baaritaan dheer kadib codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 21-ka January sanadkan.
Maxkamadda ayaa wada tashi dheer kadib go’aan ka soo saartay labada shaqsi ee kala ah Cabbduqaadir Suufi Muunye & Saciid Cumar Cabbdullaahi waxa ayna ku wada xukuntay min 10-sano oo xabsi ciidan, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.




From the comments