Goobjoog

Golaha Shacabka Oo Meel Mariyay 7 Hindise Sharciyeed

Xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulan ayaa waxa ay meel mariyeen hindise sharciyeedyo kala duwan oo gaaraya ilaa iyo 7 hindise sharciyeed. Hindise sharciyeedyada ay…

Golaha Shacabka Oo Meel Mariyay 7 Hindise Sharciyeed

Xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulan ayaa waxa ay meel mariyeen hindise sharciyeedyo kala duwan oo gaaraya ilaa iyo 7 hindise sharciyeed.

Hindise sharciyeedyada ay meel mariyeen mudanayaasha aqalka hoose ayaa waxa ay kala yihiin hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka ee heer federal, hindise sharciyeedka duulista rayidka, hindise sharciyeedka jaan-goynta iyo tayo dhowrka dalka, hindise sharciyeedka tirakoobka qaranka, hindise sharciyeedka xeerka warbaahinta, hindise sharciyeedka howlgabka iyo xaqsiinta ciidamada, hindise sharciyeedka dib u eegista iyo kaabista sharciga xisbiyada siyaasada dalka.

Halkan ka akhriso:

Hindise sharciyeedyadan ayaa waxa ay sharci rasmi ah noqon doonaan marka uu saxiixo madaxweynaha Soomaaliya

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments