Ganacsatada yar yar ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa maalintii sedexaad waxaa ay samaynayaan shaqo joojin,ganacsatada ayaana muujinaya cabasho.
Ganacsada ayaa joojiyey shaqadooda ka dib markii ay sheegeen in wasaaradda maaliyadda ee dowlad gobaleedka Puntland ay ku soo rogtay Canshuur dheeri ah , ganacsatada ayaana xusay in aysan awoodin bixinta canshuuraha lagu soo kordhiyey.
Muxubo Jaamac oo ka mid ah ganacsatada yar yar ee magaalada ayaa sheegtay in canshuurta ay soo saartay wasaaradda Maaliyadda Puntland aysan Karin in ay dhiibaan ganacsatada yar yar ,Muxubo ayaa haddalkeeda ku dartay in xiligaan suuqa uusan lahey dhaqdhaqaaqyo fiican.




From the comments