Dikareeto ka soo baxday taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa isbadal cusub lagu sameeyay guud ahaan taliska booliska dowlad goboleedka Galmudug.
Taliyaha booliska Deeganada Galmudug ayaa waxaa loo magacaabay gaashaanle sare Cabdikariin Xuseen Macallin, waxaana taliye ku xigeen loogu magacaabay gaashaanle sare Maxamed Nuur Cali.
Sidoo kale waxaa taliyaha booliska gobalka Mudug loo magacaabay gaashaanle dhexe Qaasim Sheekh Doon Cali, waxaana gobalka Galgaduud taliye looga dhigay gaashaanle dhexe Saciid Muuse Daad.






From the comments