Maxkamadda derejada koowaad ee gobalka Nugaal ayaa maanta mar kale dib u dhiigtay dhageysiga dacwadda 7 eedeysane oo rag ah kuna eedeysanaa kufsi iyo dil magaalada Garowe loogu geystay marxuumad Hodan Abdiraxmaan Shanleyste.
Xeer ilaaliyaha guud ee gobalka Nugaal dowlad gobaleedka Puntland Maxamuud Xassan Aw Cismaan ayaa maxkamadda ka hor akhriyey codsi ka yiimid qoyska marxuumad Hodan Cabdiraxmaan oo maxkamadda ka dalbaday in dhageysiga kiiska dib loo dhigo muddo afar maalmood ah.
Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee gobalka Nugaal ee dowladda gobaleedka Puntland Cabdinuur Jaamac Xuseen ayaa sheegay in dacwadda dib loo bilaabayo 26- bisha Febaraayo oo ku beegan maalinimada Arbacada ah.




From the comments