Goobjoog

Galmudug oo Ansixisay Miisaaniyad Ka Badan 17 Milyan oo Dollar

Baarlamaanka dowlad gobaleeda Galmudug ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku yeeshay kulan u jeedkiisu ahaa ka doodista iyo meel marinta miisaaniyadda dowlad goobaleedka 2020 oo horay ay u soo gudbisay wasaaradda…

Galmudug oo Ansixisay Miisaaniyad Ka Badan 17 Milyan oo Dollar

Baarlamaanka dowlad gobaleeda Galmudug ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku yeeshay kulan u jeedkiisu ahaa ka doodista iyo meel marinta miisaaniyadda dowlad goobaleedka 2020 oo horay ay u soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda.

Xildhibaanada oo dood dheer geliyey ka doodista miisaaniyadda ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda Xildhibaannada ayaa ugu dambeyn isku raacay ansixinta maasaaniyad-sanadeedka oo gaareysa 17,230,054.00 ( todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar).

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Galmudug Dr. Maxamed Cali Gacal ayaa sheegay inay Xildhibaanada ay u codeeyeen maasaaniyadda lasoo gudbiyey isla markaasna ay hadda wixii ka dambeeyo tahay mid ansax ah.

Miisaaniyaddii dowlad gobaleedka Galmudug ee sanadkii 2018 ayaa waxay aheyd 8 Malyan, waxayna sare u kacday sanadkaan 2020-ka 50% taas oo ka  dhiganin laba jibaar ay tahay misaaniyaddii sanadkii  hore marka la fiiriyo Miisaaniyadda aysoo gudbisay wasaaradda maaliyadda dowlad gobaleedka Galmudug.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments