Xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka Jubbadland islamarkaana u waramay Goobjoog News ayaa waxa ay eedeyn kulul u jeediyeen madaxda u sareysa dalka sida madaxweyne Farmaajo iyo ra’isulwasaare Kheyre.
Mudanayaashan ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dayacday amniga gobalka Gedo waxa ayna tilmaameen in amni xumada soo wajahday gobalka ay masuuliyadeeda qaadayaan madaxweyne Farmaajo iyo taliska hey’adda nabad sugidda Soomaaliya.
Sidoo kale xldhibaanadan oo sii hadlay ayaa waxa ay carabka ku dhufteen in ciidamo aad u fara badan laga soo daadgureeyay degmada Baardheere islamarkaana ciidankaasi la soo dhoobay degmada Beladxaawo, taasina ay keentay in amnigii degmada Baardheere uu faraha ka baxo.




From the comments