Ciidamada ammanka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta xabsiga dhigay rag lagu soo eedeeyey in ay rabeen in Garsoor u aadaan maxkamadda Al-shabab, ka dib markii uu soo kala dhex galay muran dhanka dhulka ah.
Ragga xabsiga la dhigay ayaa kala ahaa Cumar Joowle Dhiijaaan iyo Axmed Cumareey, ciidamada ayaana gacanta ku dhigay oo xiray xili ay doonayeen in ay u anbabaxaan magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud.
Waxaan jirin wax war ah oo wali ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan ragga maanta lagu xiray magaalada Dhuusameeb, waxaana mudooyinkii ugu dambeeyey soo baxayey dadka ka u dacwad doonayo Al-shabab.




From the comments