Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ka warbixisay dagaal saakay ka dhacay deegaan hoos yimaado gobalka Sanaag, oo ay kuwada dagaalameen ciidamo ka kala tirsan Somaliland iyo dowlad gobaleedka Puntlanad.
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dowlad gobaleedka Puntland ayaa lagu sheegay in duulaan ay ciidamada Somaliland aroornimadii hore ee saakay ku soo qaadeen deegaan lagu magacaabo Kadhada oo 18km u jira deegaanka Yube ee oo ka tirsan gobalka Sanaag.
Waxaa kale oo lagu xusay warsaxaafadeedka in ciidamada Puntland ay dagaalkii saakay dhacay khasaare ay ku gaarsiiyeen ciidamada Somaliland, Puntland ayaana sheegtay in maxaabiis gaarayo 50 askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland ay ku qabteen dagaalkii saakay ka dhacay gobalka Sanaag.





From the comments