Warsaxaafadeed si wada jira uga soo baxay labada guddoon ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabay guddi ku meel gaar ah oo ka shaqeynaya diyaarinta iyo dhameystirka xeerarka sharciga doorashooyinka qaranka.
Xubnaha la soo magacaabay ayaa waxa ay ka koobanyihiin 17 xubin, waxaana 9 ka mid ah xubnahaasi laga soo xulay xildhibaanada golaha shacabka halka 8-kale ay ka tirsanyihiin mudanayaasha aqalka sare.
Guddigan ayaa la sheegay in ay qaban doonaan shaqooyin la xiriira doorashooyinka, waxaana ka mid ah in ay la kulmaan guddiga doorashooyinka iyo arrimo kale oo lagu xusay warsaxaafadeedka ay sida wada jirka ah u soo saareen Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdulaahi.







From the comments